erayo naxariis badan

Erayo Naxariis Badan Oo Jaceyl Ah

Erayo naxariis badan oo jacayl ah: Waxa uu ii soo diray erayo naxariis badan gaar ahaan kuwo jacayl ah, anna waan ka aqbalay, sababtoo ah waxay ahaayeen erayo jaceyl oo romantic ah.

Adeegsiga erayo naxariis badan gaar ahaan kuwooda jacaylka ah waxay qeyb ka qaadanayaan soo jiidashada qalbiga lamaanahaaga. Adeegso erayo naxariis badan mar walbaa oo aad rabto in aad soo jiidato dareenka lamaanahaaga, maxaa yeelay erayo naxariis badan oo jacayl ah waa erayada ugu quruxda badan ee lagu soo jiito qalbiga.

Gabdho iyo wiilal badan oo isticmaalay erayadaan waxay inoo sheegeen in ay ku soo jiiteen lamaanahaooda, sidaa darteed adiguna waad ku soo jiidan kartaa lamaanahaada. Haddii aad u baahantahay erayo kale oo naxariis badan, fadlan la xiriir boggeena Dhagaxtuur – Hoyga Taariikhda iyo wararka Soomaaliya.

Erayo naxariis badan oo jacayl ah

Dadku waxa ay Dhahaan jaceylku lama arki waa La dareemi karaa oo kaliya. Laakin dadkaasi weey qaldanyihiin, maxaa yeelay waxaan arkay marar badan. Waxaan ka arkay jaceylka dhabta ah indhahaaga waana waxa ugu quruxda badan ee aan weligeey arkay.

Habeen wanaagsan, hurdo caafimaad leh, ma sugi karo inaan arko dhoola cadeyntaada, maxaa yeelay waxay ifisaa maalinteyda.

Kahor intaanan seexan, waxaan ka fekeraa sida aad nolosha uga dhigto mid macno badan iyo sida aan nasiibka ugu leeyahay inaan adiga ku haysto. Waxaan rajeynayaa inaan kugu arko riyooyinkayga.

Maalin kasta oo aan kula qaato waa maalinta ugu cusub noloshayda: Si fiican u seexo, adigoo ku riyoonayo hriyooyin macaan ah.

Waxaan kuu rajaynaya riyooyinka ugu macaan markaad huruddo. Habeen wanaagsan jacaylkayga.

Waxaan rajeyneynaa in aad si fiican isugu diyaarisay hurdada. Aan ku kulano riyada, jacaylkaygiiyow.

In yar aan kuu mahadnaqno maalinta aan wadaagnay, waxaana si dulqaad leh u sugayaa waxa berrito ah. Hurdo wanaagsan, kuna soo toos caafimaad wanaagsan.

Sida maalintu ay habeen isugu beddesho, welwelkaaga ka ilaali. Indhaha xiro oo seexo; waqtiyada wanaagsan oo dhan adigaa iska leh inaad ilaaliso. riyo macaan iyo habeen wanaagsan.

Waad ogtahay inaad jacayl ku jirto marka aadan seexan karin sababtoo ah xaqiiqadu waxay ugu dambeyntii ka fiican tahay riyadaada. ” – Dr. Xabeeb

Habeenkii oo dhan waan soo jeedi karaa anigoo adiga kaa fikiraya, laakiin halkan waa inaan rajaynayo inaan ku helo riyadayda. Habeen wanaagsan jacayl.

Markaad huruddo, oo aad indhaha isku xirto ka feker in aan laabta kugu hayo. Waxaan kuu rajeyneynaa hurdo iyo habeen oo cajiib ah.

Muhiim miyaan kuu ahay? Hadaba itusi. Ma i jeceshahay? Hadaba aan dareemo! Si qaldan Miyaan kuu fahmay? Hadaba ii sharax!

Ma rabo nolol dhameystiran, kaliya nolol farxad badan oo aan adiga kula qaato.

Waxaan Adiga maalintii kaa fikiraa hal mar, halkaas marna waxa ay qaadaneysaa 24 saacadood.

In aan ku dhaho waan ku jeclahay waxa ay qaadaneysaa miriro. In aan adiga kuu sharaxona saacado. In aan kuu cadeeyana nolosha oo dhan.

Waan kuu baahanahay, sababtoo ah waan ku jeclahay. Waana ku jeclahay sababatoo ah, adigaan kuu baahanahay.

Waxaa Jiro malaayiiin dad oo ku nool dunidaan, laakin adigu waxaad soo heshay waxa qalbigeygu doonayay.

Waan ku jeclahay haddii aan ku dhaho macnaheedu ma ahan in aan iska kaa dhahayo balse waxaan rabaa inaan ku xusuusiyo inaa tahay qofka dunida ugu wanaagsan ee aan arkay.

Ma hurdi karo, maxaa yeelay adigaan kaa fikiraa.

Dhoolacadeyntaadu waa waxa aan ku noolahay.

Adigiaan kugu dhex lumay mana rabo in la iga kaa soo dhex helo.

Waxaa xaday qalbigeyga mana rabo in aad ii soo celiso.

Waxaa sidataa furaha qalbigeyga mana jirto cid kale oo furi karto.

Waxaa Sabab u tahay in aan dhoolacadeeyo Iyo in aan faraxsanaado. Maxaa yeelay noloshu dhadhan ma lahan bilaa farxad anigana farxad lama deriso Adiga la’aantaa.

Magacaaga ayaan ku qoray samada laakin dabaysha ayaa qaaday. Magacaaga ayaan ku qoray ciidda laakin hirka ayaaa qaaday. Magacaaga ayaan ku qoray qalbigeyga laakin weligiis wuu ku Qornaan doonaaa.

Erayo sarbeeb ah: Waxa uu ii soo diray erayo sarbeeb ah, anna waan fahmay waxa uu iga damacsan yahay. Adeegsiga erayo sarbeeb ah gaar ahaan kuwooda xikmada leh waxay qeyb ka qaadanayaan soo jiidashada qalbiga jaceylkaaga. Adeegso erayo sarbeeb ah mar walbaa oo aad rabto in aad dareenkaaga ka hadasho, maxaa yeelay waa erayada ugu quruxda badan ee qalbiga lagu soo jiito. Marka aad adeegsato erayo sarbeeb ah, qofku wuxuu kuu arkayaa in aad tahay qof caqliyan dhameystiran, taasina waa sababaha inta badan la isku xusho. Ma jirto cid jeclaaneyso qof hadalkiisa iyo muuqiisaba laga cararayo, sidaa darteed isticmaal had iyo jeer erayo miisaaman oo qalbiga qofka soo jiidanayo.

Erayo Sarbeeb ah

Saaxibayaal waxaan idinka codsanayaa in aad inoo soo diyaarisaan maqaal ku saabsan xushmad jaceyl qasatan kuwo wato erayo xushmad iyo murti leh. Hadaba akhriste aan kula wadaagno xushmad jaceyl qeybtii koowaad.

Waxaa laga yaaba inaad dareento qof inuusan ku qiimayn laakin ogsoonow markasta inaad qof kale u tahay qof muhiim ah oo aad u qaali ah.

Waxaa jiro shan kelmadood oo muhiim u ah nolosha. 1. Caqiido, 2. Jaceyl, 3. Daacadnimo, 4. Aaminaad, 5. xushmad. Haddii ay noloshaada ka maqan yihiin ku dhaqanka kalmadahaan, wax badan baa kuu dhiman.

ku kalsoonow lamaanahaaga ileen wuxuu kuusoo wadaa hadiyad aan qiimaheeda aduunka laga helaynin, kaasoo ah qalbiga.

Dhexdeena jaceylka yaal, haddeey dhayal moodayaan, dhab dhab ma u yara tusnaa? Daraadeen dhowr habeen hay nala dheelaan farxadee, xaflado ma u yara dhignaa? Inaan nahay laba dhigood, dhammaan iska jecel naflaha, tolow ma u dhaaranaa?

Jaceylku waa waxa ugu quruxda badan ee la heysto, waa waxa ugu adag ee la kasbado waana waxa ugu xanuunka badan ee la waayo.

Ma ogtahay inta aad garabkeyga joogtid in ay iila mid tahay anigoo la isiiyay inta farxad taalo aduunka, taasoo macnaheedu tahay in aysan jirin farxad kale oo iga maqan. Waxaan kuu hayaa xushmad jaceyl.

Waxaa jiro dad haddii aad qalbiga ka jabiso ama waxaysan rabin aad ku sameyso, hadana weli sidii kuugu faraxsan, qofkaasi si niyad ah ayuu kuu jecelyahay! Waana dadka kaaga baahan inaad xaq dhowrto.

Ma jirto cid mar kasta mashquul ah kaliya waxay ku xiran tahay muhiimada liiska aad qofkaas ugu jirto, marka haddii dhowr jeer lagu yiraahdo “Waxaan ahay mashquul”.  waa inaad iska fahantaa.

Si fiican ii dhageyso, maanta wixii laga bilaabo mar kale isma arki doono, maxaa yeelay wey i damqineysaa. Sida aad hadda dareemeyso waxba igama gelin, maxaa yeelay inta aan kaa arkay ayaa iga badan. Ogolow sida ay hadda tahay, waxaan ku siiyay waqti kugu filan, mana ii cuntameyso inaad mar kale dib ii soo ceshato, waad ka xun tahay, laakin anigu waxaa ii tahay wax tegay oo aan soo noqod lahayn. Maya maya fursad kale kuma siin karo, kaama daba ordi karo mar kale, intii aan ku daba socon karay waan ku daba socday, maanta wixii laga bilaabose kuuma hayo wax xushmad jaceyl ah.

Maanta wey adag tahay, beri wey ka sii adkaan laakin maalinta beri ka danbeyda wey qurxoonaan ee ha quusan. Xushmee jaceylka.

Dhab ahaantii erayo kuma qeexi karo muhiimada aad u leedahay nolosheyda mcn. Xabiibi aad baan ku jecelahay.

Ku abuur qalbiyada dadka oo dhan wax wanaagsan oo adiga kugu saabsan, haddii aadan jaceyl ku beeri karin, waxaad ku beertaa ixtiraam iyo xushmad jaceyl.

Dadka oo dhan ixtiraam, maxaa yeelay qofka caqliga leh wuu ku ixtiraami doonaa in ka badan intaad ixtiraamtay.

Ku xafid jaceelkeena qalbiga waayo jaceyl aan qalbi lagu xafidin waa sida beer aan qorax helin oo ubaxyaduna dhinteen.

Qalbigeyga wuxuu ku qaboobaa aragtidaada, indhaheyguna waxay ilinta daadiyaan markaad hab isiiso oo aad ii sheegto in aad i jeceshahay.

Dadka wanaagsan waxaa loo abuuray inaad ku hilmaamto inta xun xumaantooda, sameey wanaag mar walbaa.

Aargoosiga ugu wanaagsan waa inaad horay u socoto, cafiso iska ilowdo, kuna dedaasho inaad guuleysato. Marnaba ha siin qof qanaacada ah inay ku daawadaan adigoo dhibaatoonaya.

Haddii aad faraxsan tahay macnaheedu ma ahan in wax walba ay kuu hagaagsan yihiin, laakiin wanaagga ayaa kuu muuqda.

Qeybtii labaad:

Qofka sida dhabta kuu jecel wuxuu kaa hor istaagaa inaad dambi sameyso. Qofka aan sida rasmiga ah kuu jeclayn wuxuu kugu dhiirigeliyaa xumaan iyo inaad dambi sameyso.

Xushmad la’aan, Jaceylku waa lumaa. Daryeel la’aan, Jaceylku waa caajis. Daacad la’aan, Jaceylku farxad ma leh. Aaminaad la’aan, Jaceylku waa mid aan deganayn.

Dad badan oo aragtida wejiga keliya wax ku jeclaada gadaal bay ka qoomameeyaan sababtoo ah jaceylku marnaba kama dhasho quruxda wejiga balse quruxda qalbiga.

Intaadan qofka jeclaan marka hore fiiri inuu naftiisa jecel yahay, haddii uusan naftiisa jeclayn adigana jaceyl kuma siin karo.

Haddii qof aad is jecleedeen kaa taago, ha murugoon, ha matagin, ha is gubin, cuntada ha ka soomin, heeso badan ha isku maaweelin. Fiiri naftaada in aad nooshahay oo neefsaneyso ka dibna horay u wado noloshaada. U sheeg qalbigaaga in qof kaa tagay ee aysan ruuxdaadi kaa tegin.

Ha u bedelin midabkaaga iyo naftaada si dadku kuu jeclaadaan. Ahaw qofka aad tahay dadka saxda ah ayaa kugu jeclaanaya.

Dadka sida dhabta ah isu jecel si sahlan kuma kala haraan. Haddii ay jirto boqol sababood ay ku kala tagi karaan waxay helaan hal sabab ay ku wada joogi karaan.

Marnaba ha ka quusan wax aad si dhab ah u rabto, way adag tahay in la sugo, laakiin waxaa ka sii daran inaad ka shalayso.

Goortii aad aqbasho qof, waxaad aqbashay wixi ay horay u soo mareen oo dhan. Sidaa darteed, dib ha u soo gocan hana u adeegsan.

Goortii aad qof necbeysato, wax kasta oo ay sameeyaan waxay noqonayaan kuwo kaa xanaajiya. Haddaba ha gelin niyadaada wax naceyb ah.

Goorti aad tiraahdo waan ku jeclahay waxaad ballan ku sameynaysaa qof kale qalbigiisa. Waa inaad ku muujisaa ficil si aad u caddeyso. Jaceylku ma aha qiiro keliya, Jaceylku waa ficil.

Qofka u dambeeya ee maskaxdaada ku jira marki aad seexan rabto habeenki waa sababta farxadaada ama xanuunkaaga.

Haddii maanta aysan ahayn maalintaada, xasuusnow berri waa maalintaada!

Jaceylka waa luuqada qalbiyada iyo indhaha, waa macalinka nolosha, waa bilaawga kalsoonida iyo caashaqa, waa hoyga farxada iyo dareenka, waa geedka ubadka iyo jiritaanka.

Marnaba aad ha ugu xidhnaan qof haddii aysan iyaguna sidaa oo kale dareemayn, sababtoo ah jaceyl hal dhinac ah maskax ahaan ayuu ku baabi’in karaa.

Dadka qaarkii ma rabaan inay runta maqlaan sababtoo ah ma doonayaan in dhalanteedkooda la burburiyo.

Jaceylku waxba ma aha hadaan ficil la socon, Aaminaadu waxba ma aha hadaysan caddeyn (daliil) la socon, Raaligelintu waxba ma aha haddii aan isbedel jirin.

Dadku waxay inta badan hilmaamaan inay kuu mahadceliyaan markaad wanaag u sameyso, laakiin marnaba ma hilmaamaan inay ku eedeeyaan haddii aad hal qalad ku sameyso.

Jaceylku ma ahan dareen keliya ee jaceylku waa daryeel.

Kalsoonidu kama timaado inaad mar walba saxnaato balse waxay ka timaadaa inaadan ka baqin inaad wax qalado.

80% dadku way iska aamusaan xittaa kolki ay rabaan inay wax yiraahdaan si ay uga fogaadaan muran qof ay daneynayaan.

Dhambaalada jaceyl kala mudnaan badan, ragna kala cizi badan, Dumarna kala garasho badan.

Waxaa jiro ruux aduunka kuu jecel Ee adiga uun ha raadsan ruux ku nici doono.

Leave a Comment

Your email address will not be published.