Dhagaxtuur Somalia
Ku soo dhawoow Dhagaxtuur.com, waxaa farxad inoo ah inaad so heshay boggeena, bogga aad kaga bogan doonto taariikhda dalkaaga hooyo. Markii la soo hadal qaado magaca Dhagaxtuur Somalia, ama la arko Taalada Dhagaxtuur ee Magaalada Muqdisho, durbaba dad badani waxaa qalbigooda ku soo dhaco taariikh cajiib ah oo mug weyn leh.
Hadaba sidee u dhacday taariikhda Dhagaxtuur ee Somalia?,
Muqdisho
Caasimada
Somalia
Dhacdadii Dhagaxtuur Somalia
Dhagaxtuur qof maahan ee waa maalin dagaal oo loogu yeero dagaalkii dhagaxa. Dhagaxtuur waxaa laga yaabaa in maanta dad badan oo Soomaliyeed aysan aqoon ama aysan war uhayn taariikhda Dhagaxtuur. Hadaba waxaan maanta idiin soo gudbinaynaa taariikhda ee halgamayaashii Soomaliyeed ee Dhagaxtuur.
Waa Maxay Dhagaxtuur?
Erayga Dhagaxtuur macno ahaan waaa labo eray oo la isu geeyay “Dhagax tuur” taasoo ka dhigan dhagaxa tuur. Dhagaxtuur waxa ay ahayd dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Oktoobar 5 teeda 1949kii.
Dagaalkaasi ee ka dhacay Dhagaxtuur waxa uu u ahaa dagaal u dhaxeeyay ururkii xornimo doonka ahaa ee SYL Somalia iyo gumeestihii Ingiriiska oo markaas heestay dalkeena Somalia oo dhan.
Aas aasihii S Y L Cabduqaadir Sakhaawudiin ayaa gacan wayn ka gaystey siduu ugu dhaadhicin lahaa gumaysiga in Soomaalidu ay joogto waqtigii ay xur noqon lahayd. Dagaalkii Dhagaxtuur waxa uu dhacay markii gumeestihii Talyaaniga oo codsanaayay in uu maamulkiisa ku maamulaayo Somalia misana sii wadanaayo.
Gumeystihii Talyaaniga waxa uu shirar badan la galay Qaramada Midoobay, wadamo ay ka mid yihiin Carabta iyo dalalka Yurub, in uu si weyn ah u doonaayo maamulkiisa Somalia.
Taariikhda Dhagaxtuur Somalia
Bishii Sebtembar 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo ay Somalia ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Mudane so si uu u cabbiro Mawqifka Leegada oo ahaa in Afarta Quwadood ay wadajir u maamulaan Somalia, Madaxbannanina ku gaarsiiyaan muddo 10 sano ah, iyo inaan marnaba dalka lagu soo celin Talyaani, waxaa xusid mudan in kharashkii ku baxay safarkiisa ay ku tabaruceen gabdhaha Leegada oo gaday dahabkoodii.
Bishii Oktoobar horrankeedii waxaa la helay fariimo muujinaya in Somalia loo dhiibi doono Talyaaniga, 5tii Oktoobar 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga, ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur ee hadda ah taalada Dhagaxtuur, iyadoo Ingiriiska soo diray askartiisii oo amar ku bixiyey in 15 daqiiqo gudahood dadka mudaaharaadaya ku kala dareeraan. Haseyeeshee, lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax lagu tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey, waana sababta goobtaasi loogu baxshay Dhagaxtuur, Askartii waxay dadkii ku fureen xabbado, waxaana halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50 qofood. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay.
Ingiriisku intaasi kuma ekaan ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah Madaxda Leegada oo Ceelbuur loo musaafuriye Daahir Mohamud Maalin-Guur, Cali Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.
21-dii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Somalia loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Somalia, Maamulkaas oo la magacbaxay “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa Talyaaniga wehliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Filibiin iyo Kolumbiya oo Wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay.
Ka dib markuu soo noqday, Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto, wuxuuna isku dayay inuu kala qeybiyo Soomaalida, kala gado, qabyaaladda xoojiyo, Leegada laaluusho, abuuro axsaab uu ku adeegto. Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada, isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas rabto. Qorshahas waxaa si aan gabbasho lahayn u hor istaagay Leegada oo beeneeyey, waxaana dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah Madaxda Leegada ee Kismaayo sanadkii 1952-kii.
Leegadu waxay sameeysey mudaharaad, Rabshadihii waxaa lagu dilay nin Talyaani ah, Leegadu waa sii waday halgankeedii ilaa ay ku guuleeysatay dooroshooyinkii dawladaha Hoose ee 1954-kii, Talyaanigu ayaa markaasi quustay oo beddelay siyaasaddiisii, dantuna ku kalliftay inuu soo dhaweeyo Leegada, waxaana farxad iyo raynrayn aheyd markii 12-ka Oktoobar 1954-kii la taagay Calanka Soomaaliyeed, Calankaasi farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allah u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Madaxda Leegada.
Guushii halgankii waxaa la gaaray 1-da July 1960-kii markii laba Gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Somalia, Waxaase nasiibdarro ah inaan loo han-weeynayn xorriyaddii iyo dowladnimadi dhibkaasi loo soo maray.
Qofkii dagaalamaa wuu guuldareysan karaaa, balse qofkii aanan dagaalamin waaba uu guuldareystay.
Nala wadaag aragtidaada
Waxaad halkaan noogu soo diri kartaa aragtidaada iyo su’aalahaaga, adigoo gujinayo linkigaan hoose.